Somalia oo ka qeyb galaysa Shirka Midowga Baarlamanada dunida (Daawo Sawirro)

Shirka 140aad ee Midowga Baarlamaanada Adduunka ayaa ka socda magaalada Doxa ee dalka Qatar.

Waxaa shirkaas ka qeyb galaya wufuud ka kala socota baarlamanada dalalka caalamka intooda badan.

Wafdi heer sare ah oo ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Somalia uga qayb galaya.

Shirkan 140aad ee Midowga Baarlamaanada Adduunka waxaana guddoominaya Guddoomiyha Golaha Shuurada ee dowladda Qatar, waxaana looga hadlayaa qodobo kala duwan oo la xiriira iskaashiga iyo wada shaqeynta baarlamaanada caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -